Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa khasaaraha askarta burundi lagu gaarsiiyay duqeyn saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday deegaano ka tirsan wilaayada shabeelada dhexe ee koonfurta dalka soomaaliya.
Guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhigyada Kufaarta burundi ay kaga suganyihiin degmada Mahadaay iyo deegaanka Biya cadde oo hoostaga degmadaas.
Inta la xaqiijiyay duqeyntaas waxaa ku baqtiyay ugu yaraan shan askari oo saliibiyiinta burundi ah tiro kalane weey ku dhaawaceen, Waxaana meydadka iyo dhaawacyada askartaas lagu daabulay diyaarado Elecobtar ah.
Dhanka kale howlgal qorsheysan oo ciidamada Mujaahidiintu ay ka kala fuliyeen degmada Wadajir ee gudaha muqdisho iyo deegaanka awdiinle ee duleedka degmada baydhabo waxey ku dileen saddex askari oo murtadiin ah qori iyo booshan weey soo ganiimeysteen.
Calamada.com