Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saacadihii lasoo dhaafay askar ka tirsan ciidamada Burundi lagula beegsaday duleedka degmada Mahadaay oo ka tirsan Wilaayada Shabeelada dhexe.
Qaraxan oo sigaar ah kaga dhacay deegaanka Buurane oo qiyaastii 3-KM u jira degmada Mahadaay ayaa sababay khasaara kala duwan oo soo gaartay askarta Kufaarta Burundi.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku baqtisay Afar ka tirsan Kufaarta Burundi, Iyadoo dhawaaqa qaraxan si aad ah looga maqlay deegaano ka tirsan Wilaayada Shabeelada dhexe.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii qarax ka dhacay agagaarka Warshada Baastada ee magaalada Muqdisho baqti iyo dhaawac ay ku noqdeen askar ka tirsan Kufaarta Afrikaanta sidoo kale waxaa qaraxaas lagu burburiyay gaari Booyad ah oo Kufaarta ay wateen.
Calamada.com