Ciidamada Burundi oo lugeynayay ayaa qarax waxaa lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu gaarsiiyay khasaare kala duwan.
Ciidamada Shisheeyaha ayaa lala heley qarax xoogan xilli ay lugeynayeen gudaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana gaaray khasaare dhimasho ah.
Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada Burundi ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxan .
Qaraxa ayaa si adag u haleeley ciidamada Burundi, waxaana goobjoogayaal ay kusoo warameen iney go’ go’een meydadka labada askari ee Shisheeyaha katirsan.
Qaraxan lagu dilay askarta Burundeyska ayaa kusoo aadaya xilli qarax ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee Wilaayada Shabeelada hoose lagu gubay gaari Taw ah, Sidoo kale qaraxaas waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar Yugandheys ah.