Wararka ka imaanaya deegaanka Buurane ee duleedka Jowhar ayaa sheegaya in galabta weerar qarax ah degaankaasi lagula eegtay kolonyo ciidamo Burundees ah oo lugeynayay.
Qraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa la kacday askarta waxaana halkaas ka dhashay khasaare lixaad leh oo gaaray ciidankii la beegsaday ee lugeynayay.
War rasmi ah oo ay heshay idaacadda Islaamiga Andalus ayna u xaqjiiyeen saraakiil mujaahidiin ah ayaa sheegaya in 2 askari oo Burundi ay ku dhinteen weerarka qaraxa ah uu jiro dhaawac soo gaaray cadowga.
Ciidanka Burundi ee ku sugan Sh dhexe ayaa la kulma weerarro culus oo uga yimaada dhanka mujaahidiinta hawl galka ka wada deegaanada kala duwan ee wilaayadaasi.
Xigasho Radioandalus24.com
Calamada.com