Howlgal qarax ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho, ayaa lala beegsaday maleeshiyaadka Riddada, qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Jaziira iyo Busleey ee duleedka Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkaan qaraxa ah lagu dilay hal askari oo murtad ah, halka sidoo kalena ay dhaawacyo soo gaareen ugu yaraan lix kale oo murtadiin ah, waxaa sidoo kale howlgalkan qaraxa ah lagu gubay gaari Cabdibile ah oo ay wateen maleeshiyaadka murtadiinta.
Weerarkan qaraxa ah ee ka dhacay duleedka Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidanka mujaahidiintu weerareen isbaaro maleeshiyaadka Riddada u tiillay tuulada Macalinka oo u dhaxeysa deegaammada Sabiid iyo Bariire ee duleedka Afgooye, laba askari ayaa goobta lagu dilay halka ay mujaahidiintu soo qaniimeysteen laba qori oo AK47 ah iyo booshashkooda.