Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyeen gudaha degmada Buulo-mareer ee wilaayada Sh/hoose, halkaas oo mujaahidiintu ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada, kaasi oo lagu magacaabi jiray Qaasim Maxammed Muudeey, oo Riddada u qaabilsanaa qaadista lacagaha baadda ah.
Dhanka Sh/dhexe, howlgal qarax ah oo ciidanka mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen duleedka deegaanka Xawaadley ayaa lala bartilmaameedsaday maleeshiyo murtadiin ah oo halkaas ku socdaalayay, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 2 askari oo murtadiin ah.
Howlgalladan millatari ee ka kala dhacay wilaayaadka Sh/hoose iyo Sh/dhexe ayaa qayb ku biiraya silsilado howlgallo barakaysan ah oo mujaahidiintu harsi iyo hoyaadba ay ugu diideen saliibiyiinta Afrikaanta ah iyo maleeshiyada kooxda Riddada Soomaaliya.