Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa federaalka waxey maanta ka dhaceen deegaan dhaca duleedka degmada Matabaan ee Wilaayada Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, Iyadoona maleeshiyaatka Ridada khasaara culus lagu gaarsiiyay dagaalkaas.
Inta la hubo 4 askari oo Murtadiin ah oo dagaalka lagu dilay iyo 15 askari oo isla Ridada ah oo lagu dhaawacay dagaalka ayey federaalka geeyeen degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud.
Dagaalkan maanta khasaaraha culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Murtadiinta waxa uu imaanayaa xilli gudoomiyaha Ridada ee gobalka Hiiraan muddo bilo ah uu ku go’doonsanyahay degmada Matabaan kaasi oo aboodi waayay inuu dib ugu laabto magaalada Beledweyne kadib markii ciidamada Mujaahidiintu ay ku hareereeyeen degmada Matabaan.
Calamada.com