Ugu yaraan Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Cirka Itoobiya ayaa dhimatay, kadib markii ay burburtay diyaarad ay la socdeyn Ciidamadaasi.
Shilkaan ayaa yimid kadib markii diyaarada nuuca helicopterka oo ay la hayaeen Ciidamada Cirka Itoobiya ay ku burburtay garoon diyaaradeed oo ku dhex yaalla xarun Ciidan oo ku taalla magaalo lagu magacaabo Abiya
Waxaa la xaqiijiyaya in shilkaasi diyaaradeed ay ku dhinteen ilaa Saddex Askari oo itoobiyaan ah, halka sidoo kalana ay ku dhaawacmeen Toban kale, kuwaasi oo dhaawacooda loo qaaday magaalada Adis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya .
Ilaa hada la ma sheegin sababta Rasmiga ah ee keentay shilka diyaaradaasi, iyadoona saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay sheegeen in ay wadaan baaritaanno ku aadan arrintaasi.
Askarta Itoobiyaanka ee ku dhimatay shilkaasi ayaa waxay qayb ka ahaayeen Ciidanka gaallada QM ee jooga Koonfurta Suudaan, iyadoona Dowlada Itooboya ay horay u sheegtay in koonfurta Suudaan ay ka joogaan ciidan gaaraya 4500 Askari.