Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay ciidamo katirsan dowladda Jabuuti.
Qarax ka dhacay degmada Buula Burde ayaa sababay dhimashada labo Askari oo ka tirsan ciidamada Murtadiinta Jabuuti waaa sidoo kale ku dhaawacmay tira kale.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qarax lala helay goob isku imaatin ah oo Maandooriyaha Khaadka ay ku cunayeen maleeshiyaadka Jabuuti uu khasaara dhaliyay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen 2 askari oo mid kamida uu katirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka halka midka kale uu ahaa Jabuutiyaan.
Ciidamada Jabuuti ayaa hawada ka saaray isgaarsiinta degmada Jabuuti markii uu qaraxu dhacay balse caawa maqribkii ayay isgaarsiinta magaalada hawada dib ugusoo laabatay.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa lala beegsaday ciidamada Murtadiinta Jabuuti ee ka dhacay gudaha degmada Buulo burte ee Bartamaha dalka Somalia.