Waxaa faafaahin laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax shalay ka dhacay garoonka magaalada Buula-Barde oo ay ku suganyihiin ciidamo kasocoda dowladda Jabuuti oo garab taagan shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya.
Qaraxa oo illaa iyo hadda laga helin faafaahin rasmi ah ayaa waxaa ku dhintay ciidamo Jabuutiyaan ah oo ku sugnaa kuwa garoonka joogay.
Ugu yaraan 2 askari oo Jabuutiyaan ah ayaa ku dhintay qaraxa, sida ay xaqiijinayaan warar ay heleyso Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan lagu dilay ciidamada katirsan Jabuuti.
Gobolka Hiiraan bartamaha dhulkeena Soomaaliya wuxuu kamid yahay gobollada uu sida adag uga socdo halganka Jihaadiga ah ee looga soo horjeedo Shisheeyaha cadaan iyo madow isugu jira ee kusoo duulay ciida Soomaaliya.