Maxkamadda maamulka wilaayada islaamiga ah ee Jubbada hoose, ayaa galabta fagaare kuyaal degmada Kamsuuma xukun xaddu Rido ah kula fulisay saddex xubnood oo murtadiin ah oo ka tirsanaa maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland.
Hoos ka akhriso magacyada iyo macluumaadka maleeshiyaadka murtadiinta ah ee galabta lagu khaarajiyay fagaaraha degmada Kamsuuma iyo howlihii ashahaada la dirirnimo ee ay u hayeen maamulka murtad Axmed Madoobe.
1_Saciid Cabdow Yusuuf oo da’diisu ahayd 26 jir ka tirsanaa maleeshiyaadka loogu yeero Nabad Sugidda Jubbaland wuxuuna la shaqeynayay mudo 6-bilood ah.
2_Maxamed Cabdi Xassan oo da’diisu ahayd 38 sano jir, ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta Jubbaland, isagoo si gaar ah uga mid ahaa maleeshiyadii duullaanka ku qaaday degmada buulo-xaaji, kaddib ayay gacanta kusoo dhigeen ciidamada mujaahidiinta.
3_Cabdi Cumar Maxamed 18 sano jir, wuxuu ka tirsnaa maleeshiyaadka murtadiinta Jubbaland, gaar ahaan kuwa Booliska.
Boqollaal ka mid ah bulshada ku dhaqan degmada Kamsuuma iyo deegaannada ku xeeran ayaa goob joog u ahaa fulinta xadkaasi ka mida xuduudda Allah, waxaana dhamaan xubnahan iyaga oo ku howlanaa falalka ka dhanka ah islaamka iyo ehelkiisa gacanta kusoo dhigay ciidamo ka tirsan mujaahidiinta.