Habeenkii xalay waxaa gudaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ka dhacay weerar dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Weerarka oo loo adeegsaday Bamka gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray goob ay ku qayilayeen maleeshiyaatka dowlada federaalka goobtaasi oo ka tirsan xaafada KPP ee degmada Hodan.
Dadka xaafada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkaasi Bamka ah lagu dilay labo askari labo kalane lagu dhaawacay oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka dowlada federaalka.
Qaraxa kadib waxey maleeshiyaatka Murtadiinta fureen rasaas fara badan taasi oo wararka qaar sheegayaan iney khasaara kasoo gaartay dadka shacabka.
Habeen hore ayeey aheed markii weerar lagu dilay 19 isugu jirta askar iyo saraakiil ka tirsan dowlada federaalka uu ka dhacay deegaano hoostaga degmada Wallanweyn ee gobalka Shabeelada hoose.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.