Wararka ka imaanaya gobalka Baay ee dhanka Konfur galbeed ee dalka Somali waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah gobalkaasi lagu weeraray maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar dhabba gal ah u dhigay maleeshiyaat ka tirsan dowlada federaalka oo ka baxay deegaanka Goof-gaduud Buurey kuna sii jeeday dhanka degmada Bardaale ee gobalka Baay.
Kamiinka waxa uu sigaar ah kaga dhacay duleedka degmada Bardaale’waxaa kamiinkaasi lagu dilay labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa qaniimeystay labadii qori ee ay wateen labadaasi askari waxeyna sidoo kale dab qabad siiyeen moota ay la socdeen labadaasi askari.
Qeybo ka mid ah gobalka Baay waxaa ku sugan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaatka dowlada federaalka kuwaasi oo la kulmay weeraro joogta ah oo kaga yimaada dhanka Shabaabul Mujaahidiin’weeraradaasi oo isugu jira dagaala toos ah’qaraxyo’dilal qorsheysan iyo weeraro dhabba gal ah.
Calamada.com