Wararka laga helayo degmada Diinsoor ee gobalka Baay ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar dhabba gal ah maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka loogu dhigay duleedka degmadaasi.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa kamiinka u dhigay maleeshiyaat ka tirsan dowlada federaalka oo kasoo baxay degmada Diinsoor kuwaasi oo doonayay iney dhac iyo boob ka geysteen qaar ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay afar askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada federaalka kuwaasi oo labo ka mid ah meydadkoodu yaalaan goobtii lagu dagaalamay.
Sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gacanta ku dhigay hubkii ay ku dagaalamayeen afarta askari ee dowlada Ridada federaalka looga dilay weerarkaasi’iyadoona maleeshiyaatka dowlada ay degmada Diinsoor dib ugu laabteen.
Degmada Diinsoor waxey ka mid ah goobaha Kufaarta Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaatka la socda Amxaarada ay kaga suganyihiin gobalada Baay iyo Bakool.
Calamada.com