Ciidamada guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen howlgal qarax ah oo ay ku beegsadeen maleeshiyo murtadiin ah, kuwaas oo ku sugnaa qaybo ka mid ah gobolkaasi.
Qaraxa ayay mujaahidiintu si gaar ah kaga fuliyeen deegaanka Buufow ee Sh/hoose, waxayna la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah, gaar ahaan kuwa sirdoonka Riddada ee (NISA) loogu yeero, waxaana ku dhaawacmay qaraxaasi ilaa 6 askari oo murtadiin ah.
Howlgalkan mujaahidiintu ka fuliyeen Sh/hoose, ayaa kusoo beegmaya xilli howlgal qorsheysan oo rag ka tirsan mujaahidiintu maalin ka hor ka fuliyeen gudaha degmada Diinsoor ay ku khaarajiyeen guddoomiye xaafadeed ka tirsanaa degmadaasi, kaasi oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Mayow.