Ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada dhulalka muslimiinta ee ay Kenya xoogga ku haysato ayaa dagaal xooggan oo toos ah ku qaaday saldhig ciidan oo saliibiyiinta Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Ishaakaani ee gobolka Laamuu ee ku hoos jira gumeysiga nasaarada xukuumadda Nairobi.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan barakaysan lagu dilay laba askari oo ka mid ah kuffaarta Kenya, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex kale oo isla kuffaarta ka tirsan, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu weerarkaasi ku gubeen gaari BG ah iyo 2 teendho oo saliibiyiinta uga dhisnaa gudaha saldhigga la weeraray.
Dhanka Banaadir, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen bar koontarool oo maleeshiyaadka murtadiinta ee isku magacaabay Boolis Milataaro ay ku leeyihiin xaafadda Shiirkoole ee degmada Hodan, waxaana dagaalkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday dhowr askari oo murtadiin ah.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qorsheysan oo qarax ah la beegsadeen fariisin ciidan oo askar ka tirsan murtadiinta ay kaga suganyihiin xaafadda Tarbuunka ee Muqdisho, lama soo werin faahfaahin dheeri ah oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay qaraxan, maadaama uu dhacay xilli habeen ah.