Ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab waxay maanta howlgal qarax ah la eegteen mid kamid ah Koontaroolada laga ilaaliyo xarumaha muhiimka ah ee maamulka Riddada ah ee la magac baxay ee Jubaland ee ku yaalla gudaha magaalada Kismaayo.
Koontaroolkan waxaa ku sugnaa ciidamo Kenyaan ah, waxaana qaraxaasi ku dhintay saddex askari oo Kenyaati ah, halka ay ku dhaawacmeen ilaa laba kale oo ka tirsan ciidamada Kenya ee bartaasi Koontarool ku sugnaa.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli howlgal qarax ah oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho lagu dilay ilaa laba askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada ee Boolis Militaaro, waxaana laga soo qaniimeystay laba qori oo ay siteen.