Askar ka wada tirsan dowlada Ridada federaalka ayaa ku diriray qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.
Iska hor’imaadka maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa yimid kadib markii ay wada murmeen labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada’iyadoona muranka ugu dambeyntii uu sababay iney rasaas ooda isaga qaadaan labadaasi askri.
Iska hor’imaadka ayaa sii xoogeystay kadib markii ay kusoo biireen askar kale oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta’iyadoona iska hor’imaadkan uu sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca askari kale.
Maleeshiyaatka dowlada Farmaajo ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay iney dhexdooda dagaalamaan oo ay iska dilaan askar iyo saraakiil.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.