Wararka ka imaanaya dalka Tuunis oo ka tirsan wadamada qaaradda Afrika gaar ahaan wadamada lagu magacaabo Magribul Islaam waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay weerar khasaara dhaliyay uu ka dhacay qeybo ka mid ah dalkaasi.
Weerarka oo loo adeegsaday qarax miino waxaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada dowlada daba dhilifka Tuunis kuwaasi oo ku socdaalayay Mandiqadda lagu magacaabo Al-shacaanbi oo ka tirsan Buuraha Samamah ee dalka Tuunis.
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya iney ku dhaawacmeen askar fara badan oo ka tirsan dowlada Tuunis’iyadoona mid ka mid ah askartaasi uu ka gu’ay inta badan mid ka mid ah labadiisa Lugood.
Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegtay Katiibada Cuqbatu Binu Naafic oo ah katiibo ka dagaalanta dalka Tuunis kana tirsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee wadamada Magribul Islam ee Amiirka u yahay sheykhil Faadhil Abuu Muscab Cabdul Waduud.
Halkan Ka Akhriso Qoraalka Mujaahidiinta Ay Ku Sheegteen Mas’uuliyadda Weerarka.
Calamada.com