Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi lagu dilay askar ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Labo askari oo ka mid ah maleeshiyatka dowlada ee ku sugan degmada Afgooye ayeey toogasho ku dileen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab kadib howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen gudaha degmadaasi.
Dadka degmada waxey xaqiijiyeen in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dilka kadib horay usii qaateen Qori AK47 ah iyo Booshkiisa oo uu ku hubeysnaay mid ka mid ah labada askari ee howlgalkaasi ay ku dileen.
Dilkan waxa uu imaanaya saacada kadib markii labo qarax oo ka dhacday wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye lagu kala gubay labo gaari oo kala ahaa Booyad Shidaal iyo Cabdi Bile oo ay kala wateen maleeshiyaatka dowlada iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta.
Calamada.com