Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ka fuliyeen xaafada Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho,iyadoo faahfaahin laga helayo weerarkan.
Howlgalkan qorsheysan waxey ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ku dileen Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada kuwaasi oo dhibaato xoogan ku hayay shacabka ku dhaqan xaafadaha degmada Yaaqshiid.
Weerarkan lagu dilay Saddex-da askari ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen dilalka ka dhanka ah dowlada Farmaajo ee ay ka fulinayaan gudaha magaalada Muqdisho.
Habeen hore ayey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho ay ku dileen sarkaal ka tirsan dowlada Ridada kaasi oo ay qaateen gaari uu watay,sidoo kale waxey saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta dagaal culus ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka dowlada ay ka sameysteen dhismaha Warshadii hore Nacnaca degmada Hilwaa ee Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.