Wararka ka imaanaya gobalka Baay waxey sheegayan in saacadihii lasoo dhaafay weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Maleeshiyaatka Murtadiinta ee kamiinka loo dhigay ayaa kusoo jeeday deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada hoose’iyadoona kamiinka uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Buurhakabo iyo deegaanka Leego.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi dhabba galka ah lagu dilay Labo askari kuwaasi oo sidoo kale laga furtay hubkii ay wateen.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhowr jeer kamiino u dhgay kolanyo isugu jirta Kufaar iyo Murtadiin oo ku socdaalayay wadada Laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
Calamada.com