Howlgal qarax ah oo ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ka fuliyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa lagu gubay gaari Cabdibile ah oo la socdeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta.
Qaraxaasi waxaa inta la xaqiijiyay Allaah fadligiis ku dhintay 4 askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, waxaana murtadiinta ku dhaawacmay qaraxa ka mid ah Bishaar Siyaad, kaasi oo horay usoo noqday taliye Urur, dhaawiciisana waa mid garaab ah.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay qaraxyo culus la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan kuffaarta Afrikaanta, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaannada Buufow iyo Numbar 60.
Qaraxyadan waxaa si horudhac ah loo xaqiijiyay in lagu dilay 1 askari oo Kuffaarta Afrikaanta ah, 6 askari oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxyadaan oo 3 ka mid ah ay xaaladdoodu tahay mid garaab ah, sidoo kale waxaa isla ciidamada Kuffaarta Yugaandha qarax kale lagula beegsaday meel u dhow deegaanka Ceelwareegow, hal askari oo kuffaarta ah ayaa ku dhaawacmay, hal gaari ayaa sidoo kale lagu gubay qaraxa dambe.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga Kuffaarta Afrikaanta iyo saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Jannaale, dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa halkaasi ka dhacay.
Dhinaca kale ciidamada mujaahidiintu waxay dagaallo culus oo toos ah ku ekeeyeen saldhig ciidan oo saliibiyiinta xabashida Itoobiya iyo saldhiga murtadiinta ay kaga suganyihiin degmada Xudur ee Bakool, sidoo kal waxay ciidamada mujaahidiintu weerareen fariisinka maleeshiyada murtadiinta ee degmada Waajid.
Dhanka Baayna, waxay mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada murtadiinta Xero Koowaad ee degmada Diinsoor, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalkaasi ayaa laga maqlayay xaafadaha degmada degmadaasi.