Warar dheeraad ah waxey kasoo baxayaan weerar qorsheysan oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen deegaanka Awdheegle oo ka tirsan Wilaayada Shabeelada hoose.
Weerarkan oo ahaa dagaal toos ah waxey ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen saldhig maleeshiyaatka kooxda Ridada Soomaaliya ay ka sameysteen deegaankaas.
Idaacadda Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalkaas lagu dilay Shan askari oo ka tirsan maleeshiyaatka kooxda Ridada Soomaaliya laguna dhaawacay shan kale oo isla maleeshiyaatka Ridada ah.
Weerarkan ka dhacay Shabeelada hoose waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada Mujaahidiintu dagaallo culus habeenkii xalay ku qaadeen saldhigyada ciidamada Ridada Jabuuti iyo kuwa Kufaarta Kenya ay ka kala sameysteen degmada Jalalaqsi iyo deegaanka Qooqaani ee wilaayaatka Jubbooyinka iyo Hiiraan.
Dagaaladaas ayaa khasaara kala duwan oo isugu jira naf iyo maal loogu geystay Murtadiinta Jabuuti iyo Saliibiyiinta Kenya.
Calamada.com