Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxey sheegayaan in weerar lagu dilay tiro askar ah oo taabacsan maamulka Tigreega uu ka dhacay qeybo ka mid ah dalkaasi.
Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday Kamiin ama Dhabba gal waxaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya kuwaasi oo galbinayay saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Tigreega.
Weerarka kamiinka ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta gobalada Gondar iyo Bahir-dar ee wadankaasi Ethiopia.
Inta la xaqiijiyay weerarkaasi dhabba galka ah waxaa lagu dilay Saddex askari oo Itoobiyaan ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan oo la hadlay warbaahinta ku hadasho afka maamulka Tigreega.
Warar hoose ayaa sheegaya in khasaaraha inaasi uu ka badanyahay,ma’uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay kooxda Patriotic Ginbot 7 sida ay baahiyeen warbaahinta wadanka Ethiopia.
Dhawaan ayeey aheed markii weerar ka dhacay magaalada Gonder lagu dhaawacay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Tigreega oo lagu magacaabo Abay Amare kaasi oo ah taliye ku xigeenka ciidamada amaanka maamulka Tigreega ee magaalada Gonder.
Gobalada dalka Itoobiya waxaa kusii xoogeysanayo kacdoonka ka dhanka ah maamulka Tigreega Itoobiya ee uu hogaamiya gaalka lagu magacaabo Hailemaryam Desaleng.
Calamada.com