Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey howlgalo kala duwan ka kala fuliyeen Wilaayaatka Hiiraan iyo Banaadir.
Howlgalka Kowaad waxa uu ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee Wilaayada Hiiraan oo dhacda bartamaha dalka Somalia waxeyna Mujaahidiinta howlgalkan ku dileen hal askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Hirshabeelle.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa askariga Murtadka ah ugu galay hooyga uu ka daganaa degmada Beledweyne halkaas ayeeyna ku dileen iyagoona ka furtay oo ka ganiimeystay qorigii uu ku hubeysnaa.
Dhanka Wilaayada Banaadir waxey ciidamada Mujaahidiinta howlgalo isugu jira qaraxyo iyo dil toogasho ah ka kala fuliyeen gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.
Howlgaladan waxey Mujaahidiinta ku dileen Labo askari oo Murtadiin ah Saddex kalane weey ku dhaawaceen waxeyna soo ganiimeysteen hal qori.
Howlgaladan ayaa kusoo aadaya xilli saaka aroortii ciidamada Mujaahidiinta dagaal culus ay ku qaadeen saldhiga Murtadiinta ee degmada Jannaale ee Wilaayada Shabeelada hoose dagaalkaas oo khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka kooxda Ridada Farmaajo.
Calamada.com