Inta la xaqiijiyay ugu yaraan shan askari oo ameerikaan ah ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha badda Mediterranean-ka, sida ay shaaciyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka.
Taliska ciidanka Mareykanka ee qaaradda Yurub ee (EUCOM) ayaa goordhow ku dhawaaqay inay halaagsameen shan askari oo Mareykan ah, kaddib markii ay ciidamadaasi la burburtay diyaarad ay leeyihiin Mareykanka oo ku dhacday badda Mediterranean-ka.
“Intii lagu guda jiray howlgalka caadiga ah ee shidaal siinta hawada tababarka milatariga ah, diyaarad millitari oo Mareykan ah oo ay la socdeen shan ka mid ah ciidamada ayaa la kulmay shil nasiib darro ah, waxaana ay ku dhacday badda Mediterranean-ka, shanta xubnood ee diyaaradda saarnaa way dhinteen,” waxaa sidaas lagu yiri qoraalka taliska ciidanka Maraykanka.