Wararka ka imaanaya dhulka Muslimiinta Filastin ee ku jira gacanta gumeysiga maamulka Sahyuuniyadda Yahuudda ayaa sheegaya in dabaabad kamid ah kuwa dagaalka ee ciidamada Yahuudu ay rogmatay, islamarkaana khasaare baqti iyo dhaawac ah uu kasoo gaaray askartii Yahuuda ee la socotay.
War kasoo baxay taliska ciidamada maamulka Yahuudda ayaa lagu xaqiijiyay in saq dhexe oo kamid ah habeenkii xalay mid kamid ah dabaabadaha ciidamadooda ay rogmatay, islamarkaana ay ku dhinteen hal askari, halka labo kalana ay dhaawacyo soo gaareen.
Wargeyska Yadiicoot Axranoot ee kasoo baxa dhulka Filastiin ee gumeysiga ku jira ayaa shaaca ka qaaday in dabaabadda ay ku rogmatay deegaan lagu magacabo Neytazaniya, oo dhaca xuduud beenaatka dhulka ku jira gumeysiga iyo kan Masar.
Xilliga ay dabaabadu rogmaneysay waxay eryaneysay tahriibiyaal masaari ah, oo doonayay iney gudaha u galaan dhulka Filastiin ee gumeysiga ku jira.
Maamulka Yahuudda ayaa sheegay inuu billaabay baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dheceen, waxaana laga yaabaa iney tuhsanyihiin in kooxaha wax tahriibiya ee uu taangigu bursanayay wax u dhigeen, taasna ay keentay inuu rogmado.
Askariga dhintay, iyo kuwa dhaawacmey ee katirsan Yahuudda ayaa lagu qaaday diyaarad hellecopter ah waxaana la geeyay isbitaal ku yaala magaalada Bi’ru Sabca.