Wararka ka imaanaya wilaayada Shabeelada hoose waxey xaqiijinayaan in qeybo ka mid ah gobalkaas ay ka dhacday duqeyn khasaara lagu gaarsiiyay askarta Uganda.
Guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey tiro madaafiic ah ku garaaceen xerada kufaarta afrikaanta ee deegaanka Carbiska ee duleedka degmada Afgooye.
Duqeyntan oo saaka dhacday ayaa sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay askarta Yugandha.
Afar askari oo gaalada yugandha ah ayaa la xaqiijiyay in duqeynta ku dhaawacmeen waxaa sidoo kale duqeynta ku basbeelay xafiiskii taliyaha xerada, Keydkii shidaalka xerada iyo jikadii ama gushiinkii xerada.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey si gaar ah usii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah askarta shisheeyaha oo ay ugu horeeyaan kuwa Uganda.
Calamada.com