Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin maalmo ka hor ku qaadeen saldhigga ciidamada cirka saliibiyiinta Maraykanka ee Balli-doogle ee Sh/hoose.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay Al-andalus u sheegeen in weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday madaafiic uu Allaah fadligiis saliibiyiinta Maraykanka kaga dhaawacmay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada saldhiggaasi ku sugan, waxaana uu ka burburay lugaha.
Ciidamada saliibiyiinta Afrikaanta ah ee ciidanka Maraykanka kula sugan saldhigga Balli-doogle waxaa dhankooda laga dilay ugu yaraan 3 askar, halka 7 kalena laga dhaawacay, maleeshiyaadka Riddada ee Danab loogu yeero ee saliibiyiinta Maraykanka murtazaqada u ah waxaa weerarkaan kaga dhintay shan askari, sidoo kale waxaa gubtay Kunteenarro ciidanka Kuffaarta Afrikaanta Iyo maleeshiyaadka murtadiinta wax ugu kaydsanaayeen oo gudaha saldhiga Bilidoogle ku yiillay.