Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada gaar ahaan qeybta Booliska.
Dilka askarigan waxa uu ka dhacay xaafada xerada Mucalim Nuur ee degmada Wadajir,waxeyna ragga hubeysan askarigan ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in askariga isla goobta ku geeriyooda.
Askarigan la dilay waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Cali kaasi oo meydkiisa muddo yaalay goobtii lagu dilay walow markii dambe maleeshiyaatka maamulka Farmaajo ay goobta ka qaadeen.
Dilka askarigan waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax miino lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah dhimasho iyo dhaawacna ay ku noqdeen tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka Nabadsugidda uu ka dhacay xaafada Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.