Saacadihii lasoo dhaafay waxaa askari ka tirsan dowlada Ridada federaalka gudaha magaalada Muqdisho si bareer ah ugu toogtay Xaaskiisa’iyadoona arintaan si aad ah looga hadlayo magaalada Muqdisho.
Askarigan ayaa Marwadiisa ku dilay hooyga uu ka deganyahay degmada Waabari’waxeyna dadka xaafada xaqiijiyeen in dilka ka hor askariga iyo xaaskiisa muddo wada murmayeen taasi oo ugu dambeyntii sababtay in askariga uu xaaskiisa rasaas ooda uga qaado halkaasna ay ku dhimato.
Ma ahan markii ugu horeysay oo askari ka tirsan dowlada Ridada federaalka si bareer ah u toogta xaaskiisa waxaa soo laablaabashada arintaan sabab looga dhigayaa Muqaadaraadka ay isticmaalaan maleeshiyaatka kuwaasi oo iyagoo daroogeysan Guryahooda yimaada kadibna ay wada murmaan reerarkooda taasi oo ugu dambeyntii sababta in maleeshiyaatku dilaan waalidkooda’xaaska ama caruurtooda.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.