Askari ka tirsan nabadsugida dowlada Ridada federaalka waxa uu askari ka tirsanaay Milatariga uu ku toogtay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Askariga ka tirsan qeybta Ashahaado la dirirka dowlada Federaalka waxey wada murmeen askariga milatariga ka tirsan ee uu toogtay taasi oo muran dheer kadib sababtay in askariga nabadsugida ah rasas ooda kaga qaado askariga kale.
Meydka askarigan waxaa goobta ka qaaday maleeshiyaat ka tirsan kuwa Milatariga oo goobta soo gaaray’iyadoona arintaan ay xiisad ka dhex abuurtay maleeshiyaatka nabadsugida iyo kuwa Milatariga dowlada Ridada Federaalka.
Inta badan maleeshiyaatka dowlada Federaalka ayaa dhexdooda is dila xiliyada ay daroogeysanyihiin ama ay ku murmaan qeybsiga Qaadka iyo lacagaha baada ee dadka iyo gaadiidka ka qaataan.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.