Maxammed Carrabey, waa askari murtad ah oo ka tirsan maleeshiyada murtadiinta, wuxuu sheegay in uu si gaar ah uga tirsan yahay maleeshiyadii ashahaada la dirirka ee waddanka Masar lugu soo tabobaray.
Muuqaal uu iska soo duubay ayuu aksarigaan murtadka ah ku sheegay in uu ka cabanayo saraakiil ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya, gaar ahaan taliyeyaashiisa, kuwaas oo uu sheegay inay ku toog barteen, dhowr xabbadoodna ku dhufteen, taas oo keentay in uu dhaawac soo gaaro.
Wuxuu askarigan tilmaamayaa in uu ka mid ahaa maleeshiyadii kooxda Xassan Gurguurte ay sida qar iska tuurka ah ku geysay furimaha dagaalka ee gobollada dhexe, halkaasna ay dhaawacyo kala duwan ugu gaysteen taliyeyaashiisa, wuxuu sheegayaa in uu hadda xabsi yahay, iskaba daa inay daryeelaane.