Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta ayaa lagu dilay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halka askari kalena la dhaawacay, kaddib iismari waa soo kala dhex-galay maleeshiyaad ka wada tirsan murtadiinta.
Goobjoogeyaal ku sugan magaalada Baardheere ayaa soo sheegay in dilkaan uu dhacay casar liiqii galabta, dilka ayaana yimid kaddib markii uu ismaan dhaaf soo kala dhex galay askari ka tirsan kuwa loogu yeero booliska iyo askariga la dilay oo ka tirsanaa kuwa loogu yeero millatariga.
Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Nuur Xaaji, askariga toogashada dilka ah u gaystay askarigaasi ayaa sidoo kale dhaawacay mid kale oo murtad ah.