Wararka ka imaanaya magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kenya waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi uu ka dhacay dil uu geystay askari ka tirsan dowladda Saliibiyadda Kenya.
Dilka waxa uu askariga u geystay qof shacab ah kaasi oo wada ka ahaa Mooto Bajaaj, Waxa uuna xilliga dilka darawalka Mooto bajaajta ku siday qof xanuunsan oo uu doonayay inuu geeyo mid ka mid ah isbitaalada magaaladaas.
Askariga ka tirsna booliska Kenya ayaa weydiistay wadaha Mooto Bajaajta inuu bixiyo lacag dhan 50 Shilin oo ah lacagta kenya taas oo ka dhigan in uu bixiyo 12-kun lacagta soomaaliga ah ama Nus doolar oo ah lacagta Mareykanka.
Darawalka ayaa u sheegay askariga inuusan heyn lacagtaas balse askariga ayaa durba rasaas ooda uga qaaday darawalkii taasi oo sababtay inuu isla goobta ku dhintay qofkaas shacabka ah ee wadaha ka ahaa Mootada.
Askarta iyo saraakiisha dowladda Saliibiyadda Kenya ayaa caan ku ah dhacidda dadka shacabka iyo Musuq maasuq waxaana taasi sabab looga dhigayaa gaajo daran iyo dhaqaalo la aan baahsan oo heysata askarta Kenya.
Calamada.com