Degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu dilay askari katirsan ciidamada milliteriga maamulka Ashahaado la dirirka Koonfur galbeed ee ka hoos shaqeeya ciidamada Xabashida Itoobiya ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.
Rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab ayaa dilka askarigan geystay, kuwaas oo markaas kadib ka furtay qori nooca AK47 ah oo uu ku hubeysnaa.
Dilka askarigan waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin xalay Labo jeer dagaallo culus ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka Ridada ay ka sameysteen deegaanka Sabiid ee hoostaga degmada Afgooye.
Sidoo kale tiro ka tirsan maleeshiyaatka kooxda Ridada ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax lagula beegsaday xaafadda Daallo ee magaalada Muqdisho.
Calamada.com