Rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey qeybo ka mid ah degmada Baardheere ee gobalka Gedo ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada Farmaajo.
Ragga hubeysan ayaa askariga ka toogtay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay inuu askariga isla goobta ku dhinta,halka uu dilka ka dhacay waxaa soo gaaray maleeshiyaatka dowlada kuwaasi oo goobta ka qaaday meydka askariga.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ee dilka geystay ayaa horay usii qaatay Qorigii uu ku hubeysnaay askariga ay dileen.
Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gudaha iyo duleedka Muqdisho ay siyaabo kala duwan ugu dileen askar ka tirsan dowlada Ridada kuwaasi oo sidoo kale Shabaabul Mujaahidiin ay ka qaateen Qoryihii ay ku hubeysnaayeen.
Calamada.com