Wararka laga helayo gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay weerar ka dhacay degmada Mahadaay lagu dilay askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen goob isbaaro u ah maleeshiyaatka dowlada ay dhigteen afafka hore ee degmada Mahadaay.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay askari ka tirsan dowlada Ridada kaasi oo sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka qaateen Qori iyo Boosh uu ku hubeysnaay askarigaasi.
Isbaaradan lagu weeraray maleeshiyaatka dowlada ayaa ah isbaaro si aad ah maleeshiyaatka Murtadiinta ugu dhibaateeyaan dadka iyo gaadiidka safarka ah.
Calamada.com