Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in duleedka magaaladaasi ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu dilay askari ka tirsanaay maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in askarigan la dilay uu kasoo baxay deegaanka Cabdalle Biroole oo dhaca duleedka Kismaayo waxa uu askarigan doonayay inuu dhac ka geysto duleedka deegaankaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin agagaarka deegaanka Cabdalle Biroole ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka Axmed Madoobe kaasi oo ciidamada Mujaahidiinta ay ka qaateen qori AK47 ah iyo Booshkiisa.
Weeraro kala duwan oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab dhowr jeer ka fuliyeen duleedka kismaayo waxey ku dileen saraakiil iyo askar isugu jirta gaalada Caddaan,Madow iyo kuwa maamulka Axmed Madoobe.
Calamada.com