Rag hubeysan waxey duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo ku dhaw isgoyska Ex-controol Afgooye ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Askarigan la dilay oo ka tirsnaay qeybta Minishiibiyada ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Cabdi kaasi oo ragga hubeysan ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka waxaana uu ku geeriyooday isla goobta lagu weeraray.
Askarigan la dilay waxa uu ka mid ahaa maleeshiyaatka maamulka Farmaajo ee dadka iyo gaadiidka sida aadka ugu dhiba isbaarada dowlada ee deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim.
Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli Labo askari ay ku dhimatay tiro kalane ay ku dhaawacmeen kadib markii habeenkii xalay qarax Bam lagu weeraray gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada kaasi oo ku socdaalayay agagaarka saldhiga degmada Kaaraan.
Calamada.com
Msh allah