Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay gudaha magaaladaasi lagu dilay askari ka tirsanaay maamulka gaala raaca Axmed Madoobe.
Askarigan waxaa dilay isla askari kale oo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe’iyadoona muran dheer oo dhexmaray labada askari kadib uu mid ka mid ah labadaasi askari uu rasaas hubiyay midkii ay wada murmeen.
Askariga dilka geystay ayaa horay usii qaatay qorigii uu lahaa askariga uu dilay isagoona goobta ka baxsaday.
Goobta dilka uu ka dhacay waxaa soo gaaray maleeshiyaat fara badan oo maamulka Axmed Madoobe ka tirsan kuwaasi oo xaafadaha magaalada Kismaayo ka baadi goobayo askariga dilka geystay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga dilka geystay oo wata labo qori uu u baxsaday deegaanada dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee ay ku suganyihiin ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Calamada.com