Rag ku hubeysan Biskoolada waxey gudaha Suuqa Bakaaraha ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’iyadoona faahfaahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan dilka askariga.
Ragga hubeysan ayaa askariga ka toogtay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in askariga isla goobta ku geeriyooda’waxeyna raggii dilka geystay horay usii qaateen Qorigii uu ku hubeysnaay askarigaasi.
Maalin ka hor ayeey aheed markii gudaha iyo isgoyska Suuqa Bakaaraha lagu kala dilay askari Qoriga laga qaatay iyo oday ka mid ah Ergadii xildhibaanada kusoo dhistay Baydhabo kaasi oo isagana laga qaatay gaari nooca raaxada ah oo uu watay.
Dilalkan xiriirka ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa mas’uuliyaddooda sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.