Ciidanka guutada madaafiicda Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, waxay saaka weerar xooggan oo madaafiic ah ku garaaceen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ay kaga suganyihiin deegaanka Arbacow oo ka tirsan deegaanwaynaha Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Faahfaahin rasmi ah lagama helin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi madaafiicda ah, isagoona ku biirayaa silsilado weeraro ah oo ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen magaalooyin iyo degaano ka kala tirsan Bari, Bay, Sh/hoose iyo Banaadir, kuwaas oo ay ku beegsadeen maleeshiyaadka murtadiinta iyo ciidamada kuffaarta Afrikaanta.
Dhanka kale, faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerarkii madaafiicda ahaa ee ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen xerada Xalane ee Muqdisho, mid ka mid ah madaafiicdaas lagu garaacay xerada xalane ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhacay xarun taliska sirdoonka kooxda Riddada uu ku leeyahay Airport-ka magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay askari ashahaada la dirir ah oo ka tirsanaa sirdoonka, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen laba askari oo isla sirdoonka murtadiinta ka tirsan.