Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar culus ku qaaday mid ka mid ah saldhigyada ciidamada Kufaarta Burundi ay ka sameysteen Wilaayada Shabeelada dhexe.
Weerarkan oo ahaa dagaal toos ah waxey Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen saldhiga Kufaarta Burundi ee deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadalle ee Shabeelada dhexe.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Wilaayada Shabeelada dhexe, Iyadoona ciidamada Mujaahidiinta dhowr jiha ay ka weerareen saldhigaas.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu ka mid noqonaya dagaaladii ugu cuslaa ee ka dhacay deegaanka waxeyna intaasi raaciyeen in khasaara naf iyo maal ah Kufaarta Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkaas.
Wilaayada Shabeelada dhexe ayaa ka mid ah Wilaayaatka sida aadka ah loogu dhiig bixiyo ciidamada Kufaarta iyo kuwa Murtadiinta ee duulaanka kusoo qaaday ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Calamada.com