Wararka laga helayo gobalka Shabeelada Hoose waxey sheegayaan in maleeshiyaatka dowlada Ridada Farmaajo si bareer ah qeybo ka mid ah gobalkaasi ugu rasaaseeyeen gaari ay la socdeen dad shacab ah.
Maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa gaariga dadweynaha ku rasaaseeyay wadada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wallanweyn’iyadoona gaariga uu ka baxay degmada Afgooye kuna sii jeeday degmada Wallanweyn.
Inta la xaqiijiyay rasaastaasi waxaa ku dhintay hal ruux ku dhawaad shan kalane weey ku dhaawacmeen oo gabi ahaantooda ah rakaabkii lasocday gaariga ay maleeshiyaatka dowlada rasaaseeyeen.
Ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay iney rasaas hubiyaan gaadiidka dadweynaha taasi oo qeyb ka ah dhibaatada ay ku hayaan dadka shacabka masaakiinta ah.
Calamada.com