Saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka nabadsugida dowlada Ridada Federaalka waxey si bareer ah dad shacab ah ugu dhibaateeyeen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka ee dowlada askarta shisheeyahu waardiyeeyaan ayaa qof shacab ah ku dilay qof kalane ku dhaawacay qeybo ka mid ah Suuq Bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.
Dilka iyo dhaawaca ay geysteen maleeshiyaatka Murtadiinta waxaa si aad ah uga naxay ganacsatada iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan xaafada Suuq Bacaad iyo guud ahaan xaafadaha kala duwan ee degmada Yaaqshiid.
Dilka iyo dhaawacan dadka shacabka loogu geystay xaafada Suuqa Bacaad waxey kusoo aadeysaa xilli sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada Qof shacab ah ay ku dileen mid kalane ay ku dhaawaceen degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada Dhexe.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.