Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah xaafada Fagax ee degmada Yaaqshiid ku weerareen askar ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Weerarkan waxaa si gaar ah loola beegsaday Labo askari oo mid ka mid ahaa maleeshiyaatka isku magacaabay Xasilinta Caasimadda.
Wariyaha Webseytka Calamada ee Muqdisho Muuse Malaay ayaa noo xaqiijiyay in weerarkaas qorsheysan lagu dilay askariga ka tirsan ciidamada Xasilinta Caasimada balse askariga kale isagoo dhaawac culus qabo goobta laga qaaday.
Weerarkan waxa uu imaanayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho qarax miino lagula beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta waxeyna miinada haleeshay gaari Taw ah oo burbur xoogan ay u geysatay.
Calamada.com