Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelbaraf ee gbobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka qof shacab ah si bareer ah ugu dileen deegaankaasi.
Askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada ayaa si bareer ah qof shacab rasaas ooda uga qaaday bartamaha suuqa deegaanka Ceelbara taasi oo si aad ah kaga careyiisay dadka deegaanka.
Qofka shacabka ah ee maleeshiyaatka dowlada federaalka ku dileen deegaanka Ceelbafar ayaa ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanada u dhaxeeya degmada Jalalaqsi iyo Ceelbaraf kaasi oo deegaanka u yimid howla ganacsi.
Ma ahan markii ugu horeysay oo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka qof shacab ah si bareer ah ugu dilaan deegaanka Ceelbaraf oo ka mid ah deegaanada Kufaarta Burundi kaga sugantahay gobalka Shabeelada dhexe.
Calamada.com