Saacadihii lasoo dhaafay waxey maleeshiyaatka dowlada Ridada siyaabo kala duwan rasaas ugu fureen dad shacab ah taasi oo sababtay khasaara nafeet.
Maleeshiyaat ka tirsan Murtadiinta oo gaari saarnaay ayaa si bareer ah rasaas ugu furay dad shacab ah oo ku sugnaay deegaanka Ceelasha biyaha’waxaa rasaastaasi ku dhintay hal ruux oo shacab ah.
Sidoo kale maleeshiyaatka dowlada ee ku sugan deegaanka Carbiska ayaa rasaaseeyay gaari dad shacab la socdeen taasi oo sababtay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo kale.
Dhacdooyinkan naxdinta leh ayaa kusoo aadaya xilli maanta maleeshiyaatka dowlada Ridada boqolaal ruux oo shacab ah ay ka raafeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho’iyagoona dadka shacabka ah u tixaabay xabsiyada magaaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.